Xasan Max’ed Nuux Qalaad Oo Ah Ninka Ugu Cad Cad Musharaxiinta Gobolada Dhexe Ayaa Dalka Dib Ugu SOo Laabtay Isagoo Kulamo Iyo SHirar La Soo Yeeshay Jaaliyadaha Soomaaliyeed Oo Ka Soo Jeeda Goboladaasi Horey U Tagay Degmooyin Badan Oo Ku Yaalo Dalka Gudahiisa.
Mr Qalaad Oo Ah Nin Da’yar Watana Maskax Furan Horeyna Aan Loogu Aqoonin Maamul Uu Ka Qabto Goboladaasi Dhexe Ayaa Go’aansaday In Uu Isu SOo Taago Musharaxnimada Madaxweyne Nimo Oo Ay Sameesanyaan Dadka Wada Daga Gobolada Mudu Iyo Gal Gaduud Kadib Markii Uu Muqdisho Yimid Ayaa Waxa Uu La Kulmay Qaar Ka Mid Ah Qeybaha Bulshada Waxayna Aad Ugu Riyaaqeen Qorshaha Siyaasadeed Ee Uu Soo Bandhigay Kaasuu Uu Sheegay In Uu Ku Maamuli Doono Haddii La Doorto Dadka Degan Goboladaasi.
Xasan Max’ed Nuur Ayaa Ah Cornel KA Tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Tacliin Waxarasho Ku Filanna Heysta .
Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe Ayaa Haatan Waxa Ay U Muuqataa Mid Is Jiid Jiid Ku Jirta Siyaasiyiin Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Dowlada Dhexena Ay Ka Dhex Muuqdaan Dadkuna Ay U Arkaan In Ay Faraha Kula Jiraan Howl Aan U Ogolaaneynin Qaanuunka Dalka U Yaala.
Si Kastaba Ha Ahaateen Xasan Max’ed Nuur Qalaad Ayaa Dhawaan Lagu Wadaa In Uu Gaaro Magaalada Cadaado Isagoo Hor Kacaya Wafdi Balaaran Oo Ka Mid Ah Taageerayaashiisa.





