Wal wal xooggan oo soo wajahay ciidamada shisheeye maadaama ay soo dhowdaha bisha Ramadaan.

0
574

Wararka Soomaaliya

Ciidaamda shisheeye ee Uganda iyo Burundi ayaa sida wararka aynu ku
heleyno waxaa soo wajahay cabsi tii ugu xooganeyd kadib markii ay aad
usoo dhawaatay bisha Ramadaan oo looga bartay in ay dagaalo ku qaadaan
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qaar kamid ah ciidamada shisheeye ayaa la xaqiijiyay in ay fasax
dalbadeen halka qaar kalana ay sheegteen xanuuno xagga maskaxda ah si
ay u helaan firsado ay uga maqnaadaan dagaalada soonka looga bartay
Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Inkastoo aanan la ogeyn in soonkan ay Xarakada Mujaahaidiinta
Al-Shabaab weerareyso ciidamada shisheeye ayaa haddana ciidamada
shisheeye waxa ay yihiin kuwa isku dhex yaacay oo fiiro gaar ah u leh
weerar kaga yimaada dhinacaasi.

Taliyaha ugu sareeya shisheeyaha ayaa la xaqiijiyay inuu dhawaan
dalbaday ciidamo dheeraad ah oo aanan wacyiga la socon iyo ciidamo ka
tirsan kuwa dowladda KMG ah si iyaga dabka loo galiyo laakin illaa iyo
hadda lama oga waxa u hir galay taliyaha.

Soonkii hore ayey ahayd markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay
ciidamada shisheeye iyo Maleeshiyaadka dowladda ku qaadeen dagaal
culus oo loogu magac daray “soo gabagabeynta kuwa soo xadgudbay”
dagaalkaas waxaa ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda looga
qabsaday dhul badan waxaana gaaray khasaare nafeed oo illaa iyo hadda
aaney kasoo kabsan

 

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com