Idaacadaha Muqdisho oo ku hawlan barnaamijo ay ugu talagaleen bisha Ramadaan.

0
584

Wararka Soomaaliya

Idaacadaha magaalada Muqdisho oo ah kuwa aad u tiro badan ayaa haatan
waxa ay ku hawlanyihiin diyaarinta barnaamijyo ay ugu talagaleen bisha
barakeysan ee ramadaan iyadoona idaacad walba ay barnaamijyadeeda ka
leedahay dan iyada u khaas ahi.

Waxaad moodaa in idaacaduhu isku mid ka yihiin inta badan
barnaamijyada gaar ahaan xagga tartanka laakin waxa ay ku kala
duwanyihiin xagga jabaqda ama heesaha.

Qaar kamid ah war baahinta waaba diini oo masii daayaan heesaha
iyadoona qar kamid ah wariyaasha ka hal gala mid kamid ah idaacadaha
sii daaya heesaha uu Warsom u sheegay in ay joojinayaan heesaha marka
la gaaro bisha ramadaan. Laakin idaacadaha kale ee heesaha sii daaya
aynu ka helnay in aysan joojin doonin heesaha oo ay culimadu ku
tilmaamaan wax xaaraan ku ah qofka muslimka siiba maalinta la
soomanyahay.

Arintan waxay kamid noqoneysaa khaldaadka dhinaca diiniga ah ee ka
dhaca war baahinta maxalliga ah qaarkood oo ku caanbaxay in ay dadka
ka weeciyaan wadiiqada lagu helo jannada iyo raali ahaanshaha Eebe.

Waxaa jira idaacado dhallinyarada u diida in ay ka qeyb galaan
jamaacada Masjidka waana idaacadaha sii daaya barnaamijka ciyaaraha oo
ay la fiirsadeen waqtiga la galayo salaadaha siiba salaada duhurka,
iyadoona arintaasi lagu tilmaamay mid meel fog ka timid madaxda
warbaahintaasna lacago lagu siiyo si dhallinyarada looga duwo xagga
cibaadada.

Aqriste bal bari oo kuugu horeysa haddaad Muqdisho joojto shido inta
badan war baahinta xilliga salaada duhur waxaad maqleysaa iyagoo
tabinaya barnaamijka ciyaaraha.

haddaba warbaahintaasi iyada ah ayaa hadda la sheegayaa in bisha soon
ay sii laba jibbaarayaan barnaamijyada noocaas ah iyo heesaha taasoo
ah arin bareer ah oo dadka looga weecinayo dhaqankooda iyo diintooda.

Si kastaba ha ahaatee saxafi walba ama war baahin walba waxaa la
gudboon in ay diiwaanka galiso in wax walba ay taariikhda galayaan
dhageystayaashuna ay yihiin dadka bulshada ugu caqliga badan.

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com