Wararka Soomaaliya
Dad badan oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa is weydiinaya sababta uu madaxweyne Sahriif uga jawaabi la’yahay eedeyntii uga timid aqalka odayaasha Mareykanka ee ahayd in madaxweynuhu uu lunsaday lacag ka badan Todobaatan milyan oo doolarka Mareykanka ahi, iyadoona eedeynta Madaxweynaha loo adeegsaday kalimado khalafsan oo aanan loo adeegsan dadka xushmadda mudan sida madaxda dalalka caalamka.
Dadka intiisa badan ayaa sheegay in jwaab la’aanta madaxweynaha ay ka marqaati kacayso eedeymaha loo jeediyay oo ay ugu horeyso lunsashada dhaqaale, halka dadka qaarna ay aaminsanyihiin in haddii madaxweynuhu jawaabi lahaa uu kabaqayo in maxkamad lasoo taago sharaftiisana dhulka ku dhacdo.
Laakin siyaasiyiin rug cadaa ah ayaa inoo sheegay in madaxweynuhu siyaasad ahaan aanu u jawaabi Karin Mareykanka waayo waxa ay ka hayaan sir badan oo maqal iyo muuqaal ah taasoo ay ka duubtay haweeneydii wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsaneyd geeska Afrika ee J.Fareysar.
Dhowr jeer oo aynu isku daynay inaan la xiriirno xafiiska madaxweynaha si aan war arintan ku aadan uga helno ayaaney inoo suura galin, hase yeeshee dhawaan ayey ahayd markii Mareykanku madaxweynaha ku eedeeyay inuu lunsaday lacago milaayiin doolar ah, Fiisooyin iyo shaqo xumo dhinac walbo ahi.
warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com





