Xog ay si hoose u heshay Shabakada xoghoose ayaa sheegaysa in Korneel Barre Aada ShireHiiraale uu ku wajahan yahay degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud, halkaasi oo uu ka soconayo shir dib u heshiisiin ah.
Wararka waxay tilmaamayaan in Odayaasha dhaqanka ee halkaasi ku sugan ay casumaad u fidiyeen Barre Hiiraal, waxaana la doonayaa in uu goobjoog ka ahaado gaba gabada shirka DhuusaMareeb.
Ilo wareedyo ku dhaw Hiiraale ayaa u sheegay Shabakada xoghoose in maalmaha soo aadan uu u amba bixi doono degmadaasi, ka dib markii uu aqbalay codsigii u yimid.
Barre ayaa ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii dalka, waxaana mar uu soo noqday wasiirka gaashaandhiga dowladii Cabdullaahi Yuusuf, waxaana dhawaan uu ku dagaalamay magaaladaKismaayo.





