Xillibaan Xaabsade oo saakay ku geeriyooday Muqdisho

0
526

Warka ka Imaanaya Isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in isbitaalkaasi uu ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xaabsade ayaa waxa uu maalmahaani ku xanuunsanaa Magaalada muqdisho, isagoona maalmo ka hor loo qaaday Isbitaal ku yaala magaalada Ankara, balse markii dib loogu soo celshay Muqdisho uu mar kale xanuunka kusoo booday.
Xanuunada uu Xildhibaanka u geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa Xanuunka Neerfaha iyo wadna-xanuunka, waxa uuna ugu dambeyntii u geeriyooday xanuunkaasi aroortii hore ee saakay.
Xildhibaan Yacquub Maxamed Cali, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay Geerida Xildhibaanka waxa uuna sheegay in sababtu ay tahay xanuunka oo kusii xoogeystay.
Meydka xildhibaanka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada muqdisho