Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya.
Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay arimo kala duwan oo ku saabsan dalka Soomaaliya iyo taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in marxalada hada Soomaaliya ay mareyso ay tahay mid ay diyaar ugu tahay dar-dargelinta adeegyada Bulshada si loo gaaro isku filnaansho buuxda.
“Maanta waxaan mareynaa marxalad shacabka iyo dowladdu ay diyaar u yihiin in dalka dib loo dhiso, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan fursado shaqo, waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee arimaha Soomaaliya Michele De’urso Carve ayaa sheegay in Midowga Yurub uu garab taagan yahay Soomaaliya xilli waliba.
Dowladda Soomaaliya ayaa taageero kala duwan ka hesha Beesha caalamka.