Saraakiil dowlada ah oo loo xiray qaraxii ka dhacay Hotel SYL

0
452

Ciidamada amaanka ee dowlada Somalia ayaa xiray saraakiil sar sare oo ka tirsan isla ciidanka kuwaas oo su,aalo laga weydiinaayo sidii ay Al Shabaab ugu suurto gashay in ay weeraran Hotel SYL.

Gudi uu madaxweynaha Somalia u xil saaray in ay baaraan qaraxan ayaa amray in la xiro dhowr sargaal oo qaabilsanaa amaanka aaga Hotel-ka shalay.

Waxaa jira warar warsom.com heshay ayaa sheegaya in si caadi ah loo soo daayaay gaariga is qarxiyay ,waxaana saraakiisha la xiray laga doonaya in ay ka jawaabaan cidii ogolaatay in uu soo gudbo gaarigaas xili ay ciidamo badan joogeen wadada.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer sheegay in dowladu aaney awoodin in ay ka joojiso qorshayaashooda qaraxyada waxaana la aaminsan yahay in ay caawimaad ka helaan ciidamada dowlada .

Qaraxan ayaa dhacay shalay xili ay Hotel-ka joogeen wefdi Turki ah