War Rasmi ah oo ka soo baxay Boqortooyadda Daklka sacuudiga ayaa waxcaa uu shaaca ka qaaday in Xalay Saacaddu marka ay ku beegneed 1-da Habeenimo Xiliga Geeska Afrika uu geeriyooday Allaha u naxariistee Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis oo ahaa Boqorkii Xukumayay Dowladda Sacuudi Carabiya
Bororka ayaa u geeriyooday xanuun in muddo haayay isaga oo xalay ku geeriyooday Magaalada Caasimadda ah ee Riyaad
Isla Bayaan soo baxay geerida Boqorka kadib ayaa lagu sheegay in Marxuumka badali doono Amiir Salmaan Bin Cabdulcasiis uuna yahay xiligaas kadib Boqorka Sacuudiga ee dhaxlaya Marxuumka.
Boqorka geeriyooday ayaa xilka qabtay sanadkii 2005 waxaana lagu xasuustaa waxqabad badan oo u qabtay Wadanka Sacuudiga.