R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo caqabado kala kulmaayo dhanka Xafiiska Madaxweynaha dalka

0
465

R/wasaarada dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la soo sheegayaa inuu caqabad adag kala kulmaayo dhanka Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

R/wasaaraha dalka oo dhex bartanka ugu jira xulashada Golaha wasiirada, ayaa waxa uu caqabad kala kulmayaa Madaxweynaha oo la sheegay in marba uu soo gudbinaayo Liisas ay ku qoran yihiin shaqsiyaad ka tirsan Baarlamaanka oo la doonaayo inay kamid noqdaan Golaha wasiirada cusub ee dhawaan la filaayo inuu soo bandhigo R/wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa waxa uu R/wasaaraha u gudubiyay in kabadan ilaa 9-Siyaasiyiin oo uu doonaayo inuu u helo xubinimo Golaha wasiirada, iyadoona R/wasaaraha uu ka biyo diidaayo inuu aqbalo dhamaan siyaasiyiintaasi.

Caqabada ugu weyn ayaa xiligaani ah in R/wasaaraha lagu cadaadinaayo inuu dib usoo celsho Xubno uu kamid yahay Faarax C/qaadir iyo C/kariin Guulleed, inkastoo arrintaani la tilmaamay inay dhabjinayaan Odayaal dhaqmeed oo dadaal ku bixinaayo in Siyaasiyiinta la diidan yahay inay dib usoo celshaan.

Waxaan si dhab ah xiligaani loo xaqiijin karin go’aanka uu R/wasaaraha dalka ka qaadan doono.