Sida uu sheegay Sarkaal Ka tirsan Al-shabaab In Ciidamadooda ay weerar qorshaysan ku qaaday goob isbaaro ah oo gaadiidka dadweynaha looga qaado lacago baad ah kadibna waxaa halkaasi ka dhacay dagaal muddo 25 daqiiqa ah socday.
Sidoo Kale sarkaalkani ayaa waxa Uu xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay 6 askari iyadoona mid kamida askarta ay gowraceen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee weerarka qaaday.
Waxa Uu sheegay in markii uu dagaalku soo gaba gaboobay ay arkayeen teendhooyinka ciidanka oo gubanaya iyo xoogaga weerark qaaday oo gudaha usoo gelaya degmada Afgooye.
Sarkaalkaani katirsan Shabaabul-mujaahidiinta ayaa Idaacadda Andalus ee Afka Al Shabaab ku hadasha u xaqiijiyay in ciidankoodu ay dileen 6 askari islamarkaana ay qaateen dhammaan hubkii yiillay barta koontarool oo ay weerareen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydadka 6 askari oo mid kamida uu gowracanyahay saaka laga aruuriyay gudaha degmada Afgooye waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca Shabeelaha Hoose.




