Kulan Deg Deg Ah Oo Hada Madaxtoyada Villa-Somalia Uga Socda Golaha Wasiirada

0
487

Kulanka_Golaha_Wasiirada_Dowladda_Somalia_1
Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in xiligan kulan deg deg ah ay leeyihiin Golaha Wasiirada uu shir gudoominayo R/Wasaaraha Soomaaliya uu halkaasi kasocdo

Kulanka ayaa ah mid diirada lagu saarayo sida aan Wararka ku helyno howlgalada Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka bilaabeen qaar kamid ah Gobolada Dalka iyo Duqeyntii ka dhacday Gobolka Sh/Hoose.

Inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa kulanka goob joog ka ah kuwaa oo diirada saaraya Howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowlada ka bilaabeen Gobolada Shabeelooyinka iyo Duqeyn ka dhacday Gobolka Sh/Hoose oo lala eegtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab.