Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), ayaa waxaa goor dhow la soo gaarsiiyay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Barre Hiiraale, ayaa waxaa laga soo kaxeeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay Garoonka Aadan Cadde ka soo dejiyeen Wasiiradii maalmahaanba booqashada ku joogtay Kismaayo.
Korneyl Hiiraale waxaa laga dhaadhiciyay in hub ka dhigis lagu sameeyo, iyadoo markii dambena sida la sheegay uu aqbalay, inkastoo aanu raali ka ahayn.
Sarkaalkaan iyo ciidan uu horkacaayay, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo, waxaana la geeyay Xerada Militariga ee Ma-dhamaato, halkaasoo hub ka dhigis loogu sameeyay.
Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ee booqashada ku joogay Magaalada Kismaayo, ayaa waxay Barre Hiiraale u soo bandhigeen in la geeyo Magaalada Muqdisho, isla-markaana hub ka dhigis lagu sameeyo Xoogagiisii.




