
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne kale.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo faah-faahin ka bixiyay socdaalkiisa ayaa sheegay in uu ka qeyb galay shirar muhiim u ah Soomaaliya, isla markaana looga hadlayay arrimaha Qaxootiga Soomaaliya oo kasoo qeyb galeen dalalka ay daganyihiin Qaxootiga Somalidu, waxana uu sidoo kale xusay in uu booqasho taariikhi ah ku tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo hoy u ah Qaxootiga ugu badan caalamka.




