Aabe Maanta Isku Dal Dalay Deegaan Ka Tirsan Gobolka G/gaduud

0
442

xarag
Wararka laga helayo Deegaanka Baxdo ee Gobolka G/gaduud ayaa waxay sheegayaan in Saaka Deegaankaasi uu isku dal dalay Aabe ka tagay carruur farabadan iyadoo dilkiisa qaabka uu udhacay iyo waxa uu isku dilay ay kasoo baxayaan faah faahino dheeraal ah.

Ninkaan oo is dal dalay (Xarig qoorta intuu iskaga xiray Meel iska soo laa laadiyey) ayaa waxa lagu magacaabi jiray Xuseen Xaashi Iidle kaasi oo ifka uga tagey 13 carruur ah oo 6 wiil iyo 7 gabdhoob isugu jiray.

Dadka deegaanka Baxdo ayaa waxay sheegeen in ninkaan nolosha Qoyskiisa uu awood uheli waayey awgeed uu isku dhaafiyey naftiisa taasi oo dadkuna ay ka naxeen falkaasi.

Deegaanka Baxdo oo qiyaastii 90km ujirta Degmada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud ayaa maanta Falkaasi naxdinta leh si weyn looga hadal hayaa iyadoo Qoyskii dhibtaasi usoo hoyatana ay iyaguna la yaaban yihiin Arinta ku habsatay.

Dhacdadaan mid la mid ah ayaa ka dhacday Deegaanka U dhaw Guriceel Horaantii sanadkaan 2014-ka.