Gen. Diini Oo Ka Halday Qaabka Dowladda Ay U Wajaheyso Hub-Uruurinta Muqdisho

0
486

hub
Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Somalia, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka hadlay hub ka dhigista ay dawladda Somalia ka waddo magaalada Muqdisho Iyadoona Uu Sheegay In Aay Cawaaqib Xumo Ku Reebi Doonto Dowlada Haddii Aysan Ka Fiirsan Arimani Laab Lakaca Ah.

General Diini ayaa Sidoo Kale Waxa Uu sheegay in hubku uu gacanta dawladda oo kaliya ku jiro, iyada oo ciddii baahi u qabtana loo sharciyeyn karo Balse Uu Sheegay In Habka Haatan Loo Wajahayo Hub Uruurinta Aysan Waafaqsaneyn Sharciyada U Yaala Dowladaha Caalmka.

Dhinaca kale, qeybaha bulshada ee magaalada Muqdisho ayaa taageeray hawlgalada ay dawladdu hubka ku uruurinayso Iyadoona Uu Cod Dheer Kaga Soo Horjeestay taliyihii hore ee ciidamada ee Somalia General Diini, haatana ku sugan Columbus gobolka Ohio,Ee Cariga Dalkaasi Mareykanka.