Dowlada Mareykanka Ayaa Iska Fogeysay Duqeymaha Liibiya

0
489

Us
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Mareykanka aanan lagala tashan duqeymo cirka ah oo ay dalalka Masar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ku qaadeen fariisimo ay leedahay maleeshiyo ka dagaallamaysa dalka Liibiya.

Mar sii horeysayna, wargeyska New York Times ayaa sheegay in labada dal ay si qarsoodi ah isaga kaashadeen duqeymo ay diyaaradahooda u geysteen maleeshiyada Islaamiga ah ee dooneysa in ay gacanta ku dhigto caasimada Tripoli Waxaana Diyaarado dagaal oo aan la aqoonsan ay laba jeer todobaadkii lasoo dhaafay duqeeyeen goobo ka tirsan caasimada Tripoli, xilligaasi oo uu socday dagaal xooggan oo ay maleeshiyada Islaamiga ah ku dooneysay in ay garoonka diyaaradaha kaga qabsato ciidamo dowladda taabacsan.

Isbuucaani Gudaheeda ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka waxa uu qoray, in dalalka Masar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ay fuliyeen duqeymaha, iyaga oo aan la socodsiin dowladda Mareykanka Wuxuuna Sarkaalkani ka tirsan dowladda Mareykanka Uu BBC-da u sheegay in Mareykanka aanu wax war ah u haynin xilliga ay duqeymaha dhacayeen, waxaana uu intaa ku daray in xukuumadda Washington ay ka walwalsantahay in hub ay ka iibsadeen labadaasi dal loo adeegsaday duqeymaha, taasoo buu sheegay in ay kasoo horjeedo shuruudihii lagu iibiyay hubkaasi.

Masar ayaa beenisay in ay fulisay duqeymaha, halka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabtana aanay ka hadlin arrinka.

Duqeymaha ayaa muujinaya loolanka awooddeed ee u dhexeeya hogaamiyayaasha Carabta iyo xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dhashay kacdoonkii saameeyay inta badan dalalka Carabta.
Dowladda Qatar ayaa hub iyo lacagba siiyay xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama Liibiya iyo meelo kale, halka xukuumaddaha Masar, Isutaga Imaaraadka Carabta iyo weliba Sacuudi Carabiya ay doonayaan in laga adkaado xoogaggaasi Islaamiga ah.