Rabshado Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Baydhabo Ka Dhacay iyo C/Wali Sheekh oo Baaqday

0
492

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa dhintay 6 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib rabshado ka dilaacay bartamaha magaalada Baydhabo.
Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in C/Wali Sheekh R/wasaaraha dibad baxyo rabshado wata lagala hortegay daqiiqado kadib markii uu garoonka Baydhabo ka degay.

Maleeshiyaad kala taabacsan maamullo ku sheegyada Koonfur galbeed isku magacaabay ayaa isku rasaaseeyay agagaarka xarunta ADC-da Baydhabo.

Boqolaal shacab ah oo taageersan Madoobe Nuunow ayaa waddooyinka magaalada taagan waxaana lamaqlayaa rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayaan.

Hal qof ayaa la sheegay in uu dhintay kadib markii ay rasaas fureen maleeshiyaad ilaala u ahaa C/Wali Sheekh ,xaaladda Baydhabo ayaa kacsan waxaana waddooyinka lagu arkayaa taayaro gubanaya