
Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay bilaabeen ciidamada Barre Hiiraale.
Boqolaal katirsan maleeshiyaadka Xildhibaan Barre ayaa shalay bandhig melleteri kusoo bandhigay deegaan kaabiga ku haya Kismaayo waxayna ku hanjabeen in ay gelayaan magaalada.
Ciidanka oo labisnaa darees isku mid ah ayaa ku garaarnaa qoryo gacmeedyo iyo madaafiicda garbaha laga gemo.
Barre Hiiraale oo ciidanka tababarka loosoo xiray lahadlayay wuxuu sheegay in ujeedka dagaalkoodu yahay sidii ay shacabka Kismaayo uga dul qaadi lahaayeen dulmi laba geesood ah oo ay kala kulmayaan maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe iyo Ciidanka Kenya.
Dagaallo maalin ka hor ka dhacay deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo ayaa larumeysanyahay in si xun loogu jebiyay maleeshiyaadka maamulka Kismaayo.
Lama oga halka uu taageerada melleteri ka helay Barre Hiiraale balse saraakiishiisu waxay sheegeen in ay taageero dhan walba ah ka helaan Dowladda Federaalka ayna iyada kamid yihiin.




