Warar ay heshay warsom.com/ ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud uu kulan Deg deg ah la leeyahay Wasiirada iyo Xildhibanada Beesha Hawiye.
Kulanka ayaa waxaa uu ka soconayaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana Kulankaan uu ka danbeeyey ka dib markii Odayaasha Hawiye ay ku dhawaaqeen in ay sicad uga soo horjeedaan Aqoonsiga Maamulka Saddexda Gobol islamarkaana wasiirada iyo Xildhibanada Dowladda uga Jira Beesha Hawiye lagu Amray in aysan Dowladda u Shaqo tagin.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheikh Cali Dhuxuloow oo ka mid ah Wasiirada kulanka la leh Madaxweynaha ayaa Keydmedia Online u Xaqiijiyey kulanka, kaas oo looga hadlayo sidii Wasiirada iyo Xilidhibaanada ay arrinta Meel Dhaw iskugu keeni lahayeen.
Waxaan Wasiirada iyo Xildhibaana intii uusan Madaxweynaha Soomaaliya u yeerin ay kulan oga Qeyb galeen Hottelka City Plaza ee Magaalada Muqdisho, kulankaas oo ay yeesheen Odayaasha iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Beesha uga jirta.




