Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Faarax C/qaadir, waxuu Gacanta saaro waa lagu Gubtaa!

0
483

Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ansixinta Guddiga Dib u Eegida Dastuurka, “horumar weyn baa laga sameeyey nidaamka Dib u Eegista Dastuurka Soomaalia.” Ayuu yiri.

Teaser Image Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Faarax C/qaadir, waxuu Gacanta saaro waa lagu Gubtaa!
Faarax C/qaadir oo warbaahinta la hadlayey asagoo aad u faraxsan ayuu yiri “Dowladdu waxey aaminsantahay in Qorshaha Dib u Eegista Dastuurka uu noqdo mid ay Soomaalidu hoggaamineyso.”

Xildhibaano aan u Codeyn Dastuurka mid ka mid ah ayaa yiri “Dastuur waa nidaam ku yimaada heshiis Bulsho, kan waa Dastuur dano gaar ah laga leeyahay oo larabo in Soomaali lagu qarbudo”

Wasiirku waxuu yiri ”Dib u Eegista Dastuurka waa aasaaska Tiigsiga 2016. Marka la dhameystiro Dib Eegista Dastuurka, waxaa jiri doono cod loo qaado shacabka (referendum). Xildhibaankii oo hadalkiisii sii wata: Marka Afti ma la qaadi karaa Wadan meel walba dagaalo ka socdaan”.

Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Dowladda Federaalku ayaa waxay Soomaalidu ku Xasuusataa Go’aamadii Gurcnaa ee u Addis Abeba ugu saxiixay oo ahaa in Kooxda Axmed Madoobe ee Rasgambooni ay Kismaayo qabsadaan oo looga Dambeeyo loona Aqoonsado in ay Jubadda Hoose ka taliyaan, halkaas oo uu wali Dhiig farabadan ee Soomaaliyeed ku daadanayo.

“Waxaa la filayaa in Mudane Faarax C/qaadir uu Soomaali dhaxalsii aayo Gumeysi iyo Gunimo asagoo himiladiisu tahay danta Jeebkiisa oo kaliya” Ayuu yiri Xildhibaan Codsaday in Magaciisa aan la shaacin.