Xilli ay fooda inagu soo heyso bilashada bisha barakeysan ee ramadaan ayaa qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool xiryaha muqdisho waxay xilligan ka cabanayaan xaalado nolol xumo ah oo la soo deristay.
Qaar kamid ah qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool degmada dharkeynleey gaar ahaan xoosh ayaa xilligan sheegaya in ay ku noolyihiin nolol adag ayna u baahanyihiin in gurmad deg deg ah ay helaan .
Qaar ka mid ah Qoysaskaasi oo la hadlay warbaahinta Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilligan la soo deristay xaalado nolol xumo,waxayna si gaar ah kaga cabanayaan cuni yari iyo biyo la’aan heysata.
Dhawaan hey’adaha Qaramada Midowbey waxay sheegeen inay u baahan yihiin in caalamka uu ku yabooho dhaqaalo wax looga qabanyo dhibaatooyin iyo abaaraha Somalia waxaana ay ka digeen abaar mar kale ku dhifata Somalia.




