DOWLADA KENYA OO SHACABKA UGA DIGTAY IN KOOBKA ADUUNKA KA DAAWADAAN MEELAHA FAGAARAHA AH

0
521

Dowlada Kenya ayaa Shacabka ugu baaqday inay Ciyaaraha koobka aduunka ee ka socda dalka Brazil ka daawadaan guryaha halkii ay ka daawan lahaayeen meelaha la isugu yimaado ee fagaaraha ah ama meelaha furan.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya,ayaa sheegay inay jirto feejignaan dhanka amaanka ah,islamarkaana cabsi ka heyso inay weeraro mar kale qasaaro geysta kala kulmaan dagaalyahanada Al-shabaab ee la dagaalama Soomaaliya.

Talada Dowlada Kenya u jeedisay Shacabkeeda ayaa timid labo maalin ka dib markii markii Al-shabaab weerar ku qaadeen deegaanada ku yaalo gobolka Xeebta gaar ahaan Jaziirada Lamu halkaasi oo lagu dilay ku dhawaad 48-Qof oo dad rayid ah u badnaa.

Waxaana mas’uuliyada weerarkasi sheegtay ururka Al-shabaab.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay meelaha dadka u badan yihiin iyadoo lagu kordhiyay ciidamo Boolis ah oo fara badan.