AL-SHABAAB OO SHEEGAY INAY LACAG UGU BEDELI DOONAAN CIIDAMADA DOWLADDA HUBKA AY LASOO GOOSTAAN

0
662

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen inay hubka ulacageyn doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee isku dhiibaya Al-Shabaab, hadii ay lasoo goostaan hub.

Sheekh C/raxmaan Sayid, Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ee Gobalka Gedo, ayaa waxa uu Ciidamada Dowladda ugu yeeray inay ka soo baxaan safka Dowladda iyo Amisom, hubkooduna la soo galaan dhanka Shabaab, si lacago loogu bedelo.

Sheekh C/raxmaan Sayid, ayaa ku waramaaya inaanay iyagu wax dhac ah u geysan askarta ka soo baxsaneyso Dowladda Soomaaliya, isla-markaana ay ka iibsadaan hubka iyo rasaasta ay ula yimaadaan, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in inta badan Ciidamadii Dowladda ee Gobolka Gedo, ay baneeyeen faruumaha hore ee Ciidamada, iyadoo qayb uu ku sheegay inay Shabaabku isku soo dhiibeen, halka qaybta kalana ay miyiga Gobolka horey u sii galeen.

Arrintaan, ayaa wuxuu sabab kaga dhigay iyadoo ay dadku fahmeen xasiloonida ka jirta Deegaanada ay gacanta ku heyso Al Shabaab iyo Ciidamadii Dowladda, oo ay daryeel la’aan ku heysato Deegaanada ay gacanta ku heyso Dowladda.

Sheekh Sayid, ayaa sheegay in goor dhow ay rajeynayaan in Ciidamada Amisom ee Gobolka Gedo waayaan, Ciidankii Soomaalida ee horudhaca u ahaa.AL-Shabaab