Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba Hoose waxaa shalay soo garay 13 gadiidka dagaalka ah oo ay Dowlada Japan ugu deeqday Ciidanka Somalia .
Gadiidkaan ayaa waxaa ay Dowlada Japan ku wareejisay Xukuumada uu hogaamiyo Raisalwasare Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed.
Gadiidka ayaa waxaa lagu waday in laga dajiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia balse amar ka soo baxay Xafiiska Raisalwasaraha Somalia ayaa waxaa logu wareejiyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Sida u ku soo waramayo Wariyaha Kismaayo24 ee Magaalada Kismaayo markabki waday gadiidkan marka uu ku soo xirtay dakada Kismaayo waxaa laga dajiyay Gadiidkan waxaan la geyay Xero ay dagan yihiin Ciidamada Raaskambooni qaas ahaan kuwa ka soo jeeda Beesha Ogaden / Maxamed Subeer.
Dad badan ayaa waxaay is waydiinayaan in qalab intaan le,eg ee ay Dowladi leedahay hadi uu Qabil u gacan galo maxa ka imaan kara xagese dowladnimada uga jirta in Gobol u khilaaf ka tagan yahay in dhinac ka mid ah dhinacyadii is hayay la garsiiyo qalab Ciidan.
gaadiid jub gaadiid jub1 gaadiid jub2 gaadiid jub3 gaadiid jub4 gaadiid jub5 gaadiid jub6 gaadiid jub7 gaadiid jub8 gaadiid jub9 gaadiid jub10 gaadiid jub11




