Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa waxay maanta xabsiga dhigeen in ka badan 100 ruux, oo lala xiriirinaayo Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, ee dagaalka ka wado Deegaanada Jubbooyinka.
Dadkaan oo laga soo qab qabtay Xaafada Via Afmadow, ayaa waxay ku xiran yihiin Saldhiga Booliska ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu wado in laga sameeyo baaritaano dadkaan lagu kala saaraayo.
Hawlgalka dadkaan lagu soo qab qabtay, ayaa ka dambeeyay markii Xoogag hubeysan ay xalay weerar gaadmo leh ka geysteen Xaafada Via Afmadow, kuna dileen 2 askari, halka laba kalana ay ku dhaawaceen.
Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubba, ayaa sheegaaya in weerarkaan ay ku dileen 5 nin oo ka tirsan dagaal-yahanada Shabaabka, goor dhowna ay soo bandhigi doonaan meydadkooda.
Dad badan, ayaa waxay maanta siyaabooyin kala duwan u taggeen Saldhiga Booliska ee Kismaayo, kadib markii eheladooda lagu soo xir xiray, iyadoo uu saameeyay hawlgalkii Via Afmadow.
Maamulka Kmg ah ee Jubba weli war rasmi ah kama soo saarin weerarka dhimashada iyo dhaawacab geystay, ee xalay ka dhacay Xaafada Via Afmadow.
Shacabka degan Via Afmadow, ayaa xalay baqdin ka muujiyay weerarkaasi, sidoo kalana waxaa maanta saameeyay hawlgalkii laga fuliyay.




