Xiisado kale oo laga soo sheegayo Shabeelaha Hoose

0
525

Waxaa Xiisad laga soo sheegayaa deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabelaha Hoose halkaas oo beryihii u dambeeyay ay ka jireen dagaal beeleedyo khasaaro badan sababay.

Wararka laga helayo deegaanno ay ka mid yihiin Shalaanbood Ceel Jaalle , Ceel weereegow iyo kuwa kale ayaa lagu soo warramayaa in xiisad culus ay ka alowsan tahay.

Waxagaradka qaar oo Shabelle ay wax ka weydiisay xiisadahaan iyo waxa keenay ayaa ku eedeey in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kaalin ku leeyahay sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale Suldaan Kibaar oo ka mid ah waxgaradka ka soo Jeeda Shabeelaha Hoose ayaa ku eedeeyay dagaalada ka jira Gobolkaasi in uu kiciyay Wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo ah imaamka Beesha Habar Gidir oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku wada nool yihiin beelo badan loona baahan yahay in la tix geliyo wada noolaashiyaha ciddii taa diidana la iska celinayo sida uu hadalka u yiri.

AMISOM oo Ciidamadeeda ay ku suga yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wax dhaq dhaqaaq ah ku lahayn oo kala celinta Maleeshiyaadkaasi diriraya ku aadan sababo la sheegay in ay ka baqayaan in Al Shabaab ay ugu soo hoos dhuuntaan dagaaladaasi.dagaal_beeleed-150x150