C.kariin Xuseen Guuleed: Shacabka aan Awooda DFS ku dhibaateeyay ha i cafiyaan

0
456

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirkii Fashilmay ee Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay Munaasabad uu maanta xilka ku wareejinayay ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay u cafiyaan dhibaatadii uu u geystay.

Ex Wasiir Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan dad shacab ah oo suura gal ay tahay in lagu dhibaateeyay amarro uu bixiyay.

Dhanka Kale Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa ka dalbaday shaqaalaha Wasaaradda Amniga in intii uu xilka hayay wax kasta oo ay ka tabanayaan ay u cafiyaan sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu xasuustaa baaba’a iyo Birikicinta shacabka Danyarta ah.

Qoysas kala duwan ayuu ka barakiciyay Nawaaxiga Air-Port-ka Magaalada Muqdisho kuwaas oo qaarkood guryo ay leeyihiin ka tarabiil ku xaaqay isagoo ka tagay guryo ka agdhawaa kuwaas oo ay leeyihiin dad ay ehel wadaag isaga yihiin.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa xilka Wasiirka Amniga qaranka iska casilay 24 kii May 2014 kadib markii Ururka Al Shabaab ay ku qabsadeen weerar dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya Maadaama mudada uu xilka hayay Wasiir guuleed weeraro Al Shabaab ay soo qaadeen ay ku qabsadeen Seddexda hay’adood ee ugu sareysa hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed howshiisa higsi iyo halbeeg fiican midna maanu laheyn balse waxa ay ahayd mid dano gaar ah uu ka lahaa ee uu u adeegsaday dano gaar ah oo ku dhisan in ku tagri fal awoodeed uu u adeegsado awooda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka mid ahaa sidoo kale dhibaatooyinka uu geystay mudadii xilka uu hayay weerarkii uu ku soo qaaday Xaruntii hore ee Idaacadda Shabelle ee Nawaaxiga Air-Port-ka weerarkaas oo boob iyo bur burin loogu geystay hantidii Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Iyadoo Wasiirkii fashilmay uu diiday In uu bixiyo hantida bur burka iyo boobka uu kula kacay ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo sida maanta uu ka dhawaajiyay mudadii uu xilka hayay uu sameeyay ku tagri fal awoodeed.1