Kooxo Hubeeysan ayaa Xalay Weeraray Guriga uu Deegaanka Shalaanbood ka dagan yahay Gudoomiyaha Shalaanbood Nuur Cismaan Raage.
Ilaalada Gudoomiyaha Deegaanka Shalaanbood iyo Kooxdii Weerarka qaaday ayaa lagu soo waramayaa in uu dhexmaray Dagaal mudo socday.
Iska Hor imaadka ayaa waxaa ku Geeriyooday Labo Ruux oo ay ku jirto Gabar uu dhalay Nuur Cismaan Raage oo ah Gudoomiyaha Deeganka Shalaanbood.
Ciidamada Weeraray Deegaanka Shalaanbood ayaa ka amar qaatay Gudoomiyaha Degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisoow,oo Asaguba Qirtay in ay yihiin Ciidamadiisa.
Sidoo kale Gudoomiyaha Shalaanbood oo la hadlay Keydmedia online ayaa sheegay in uu soo weeraray Gudoomiyaha Marka islamarkaana uu doonayo in Gobolka Shabellaha hoose uu Colaad ka Huriyo.
Nuur Cismaan ayaa DFS ugu baaqay in ay Xilka ka qaadaan Max’ed Yariisoow,oo uusan Dowladda Xil u qaban Karin Shaqsi nuucaas ah.




