Rayid lagu dilay janaale iyo Xiisad ka taagan Magaalada Marka

0
492

Wararka ka imaanaya Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in duleedka deegaankaasi ay Kooxo Hubeysan ku dileen 2 qof oo Rayid ah oo sida la sheegay mid ka mid ah ay ahayd Haweeney.

Sida ilo deegaanka ah ay inoo xaqiijiyeen Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday Goobta ay ku dileen dadkaasi Rayidka ahaa.

Dhinaca kale Wararka aynu ka heleyno Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah oo salka ku heyso dilal ka dhacay deegaanka Janaale ay ka taagan tahay iyadoo wararku ay intaa ku darayaan in ay xiran yihiin Goobaha Ganacsi ee Magaaladaasi Marka.

Guddoomiyaha degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jirto xaaladdaasi kacsanaan balse Maamulkiisu uu ku howlan yahay qaboojinta xaaladdaasi ka soo cusboonaatay Degmada Marka.

Maalmahaan dambe ayaa waxaa soo kordhayay dagaalada iyo dilalka ka dhacayay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaasi oo sida la sheegay salka ku hayo aanooyin qabiil.marka-150x150