Qarax ka dhacay Kenya // Khasaaro ka dhashay

0
490

Wararka laga helayo Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa sheegaya in Qarax Culus oo khasaaro geystay uu ka dhacay Magaaladaasi Wajeer.

Qaraxan oo ahaa bambaano ayaa sida la sheegay waxuu dhaawac ka soo gaaray ku dhawaad 3 Ruux Iyadoona lagu eedeeyay ka dambeyntiisa Ururka Al Shabaab ee ka soo horjeeda DFS ee Xasan Sheekh.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Gaarisa, Charles Kinyua ayaa sheegay labo Ruux oo Al Shabaab ay Bambaano ku tuureen Meel laga Dukaameysto waxuuna tilmaamay in 3 Ruux ay ku dhaawacmeen.

Waxuu sidoo kale Charles Kinyua xusay in Kooxaha lagu tuhmay Al Shabaab ee Weerarka Bambaanada ahaa ka fuliyay Magaalada Wajeer in ay baxsadeen hase ahaatee lagu lagu raadjoogo.

Ugu dambeyn, Ururka Al Shabaab ayaa Magaalada Nairobi waxey ka fuliyeen Weeraro kala duwan oo u badan Qaraxyo kadib markii Ciidamada Kenya ay u soo talaabeen gudaha Soomaaliya Sanaddii 2011-ka