Ciidamada badda dalka Talyaaniga ayaa gelintii dambe ee shalay oo sabti aheyd sheegay inay badbaadiyeen ku dhawaad 3.000 oo muhaajiriin ah kuwaasi saarnaa dooni ay ku doonayeen inay Talyaaniga ku gaaraan 24 saac ee lasoo dhaafay.
Dowlada Talyaaniga ayaa sheegay in ciidamada badda ee dalkaasi ay sameeyeen dadaalo ay ugu gurmanayeen dadka magangalyo doonka ah ee doonyaha ku gaaraya dalkaasi, waxaana sawiro la soo bandhigay ay muujinayeen ciidamada badda oo dadka badbaadinaya.
Ciidamada ayaa ku sheegay bartooda Twitter-ka ku dhawaad 1.300 oo muhaajiriin ah ay soo badbaadiyeen maalintii shalay, kadib howlgalo naf badbaadin ah ay ka sameeyeen xeebaha dalka Talyaaniga.
Sidoo kale ciidamada badda ayaa sheegay in Jimcihii ku dhawaad 1.443 ruux oo ay ku jiraan 264 caruur ah kuwaasi oo dooni wada saarnaa, sida ay bartooda Twitter-ka ku sheegay.
Dad kale oo gaaraya 200 oor uux ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyay meel ku dhow xaafada Lampedusa ee dalka Talyaaniga, halkaasi oo labo shil ay ka dhaceen sanadkii lasoo dhaafay oo ay ku dhinteen 400 oo ruux.
Wargeysyada dalka Talyaaniga ayaa sheegay in dadka mhaajiriinta madankood ay yihiin Syrian iyo Masaasi iyadoo ay ku jiraan tahriibayaal kale oo u kala dashay dalalka Soomaaliya iyo Eritria.
Dalka Libya ayaa noqday marinka ay sii maraan dadka muhaarijiinta ah ee doonaya inay gaaraan dalalka kale ee qaarada Yurub.




