MUUNGAAB oo xiraga ka jaray Suuq muhiim ah

0
497

Maamulka Gobolka banaadir ayaa maanta xariga ka jaray Suuqii Ceel- Gar- weeyne ee Dagmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacay dagmada Hawlwadaag ayaa waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha maamulka gobolka banaadir, ururada bulshada rayidka, iyo xubno ka tirsan gudiga is kaashatada ganacsata Muqdisho

Gudoomiyaha gobolka banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo isagu xariga ka jaray suuqaasi ayaa sheegay in faa’iido aad u weyn uu uleeyahay suuqaasi dadka ku dhaqan dagmada hawlwadaag, waxana uu intaasi ku daray in dagmooyinka gobolka banaadir ay ka hirgalin doonaan suuqyo ay dadka ka dukaameystaan

Dhanka kale gudoomiyaha dagmada hawlwadaag Axmed Nuur Cabdi oo qudbad dheer ka jeediyay madasha ay munaasabada ka socotay ayaa qeexay qeybaha uu ka kooban yahay suuqa, isagoo tilmaamay in ay uu ka kooban yahay qeybta Khudaarta, qeyta hilibka iyo badeecooyinka kale ee nolosha aas aasiga u ah

Magalada muqdisho ayaa tan iyo markii laga saaray Ururka Al Shabaab waxa ay ku sii siqeysay horumar baaxad leh, iyadoo furitaanka suuqana ay tilmaan ka bixineyso rajo nololeed oo soo bidhaameysa.download (6)