Al Shabaab oo u goodisay Madaxda dowladda Soomaaliya

0
492

Sheikh Cali Maxamuud Raage afhayeen Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Al-shaabaab ayaa sheegay in ay wiiqeen awooda hey’adaha dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ku guuleysteen weeraradi ay ku qaadeen xarumaha Maxkamadaha ,Maxadtooyada,U N D P –da iyo Golaha shacabka.

Afhayeen Al-Shabaab ayaa dhanka kale waxa uu kaga digayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Masuuliyiinta dowladda in aysan kasii mid ahaan dowladda Somaaliya taasi oo uu sheegay in ay tahay wadada kaliya ay ku badbaadi karaan

Cali Dheere ayaa carabka ku adkeeyay in ay ku noq noqon doonaan xarumaha dowladda iyo meelaha ay isugu yimaadan Masuuliyiinta dowladda waa sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale Sheikh Cali Dheere afhayeenka Shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in ay bartilmaameedsan doonaan xarumaha UN-ka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho isagoona ugu baaqay dagaalamayaasha Shabaab in ay ugu tagaan xarumahooda ajnabiga ku sugan dalka.

Hadalka Afhageenka Al-Shabaab Cali dheere ayaa waxa uu imaanayaa xilli uu xilka iska casilay wasiirkii hore ee Aminiga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo mudooyinkii dambe lagu dhaliilayay in uu ku fashilmay wax ka qabashada ammaanka Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo deegaanada iyo dagmooyin kale oo ay dowladdu gacanta ku heysodownload22-150x150