Al Shabaab: 1 Xildhibaan nagama fakan doono

0
474

Ururka Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay beegsan doonaan islamarkaana uusan Xildhibaan ka fekan doonin sida uu tilmaamay.

Sheekh Cali Maxamuud Raage, Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Ururka Al Shabaab ayaa xusay in Xildhibaanaada Baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay in ay Isaga baxaan Dowladda Soomaaliya hadii buu yiri loo istaagi doono Wado walba.

“Shalay waxaa badbaaday Xildhibaanadii lala damacsanaa Weerarkii Ururka Al Shabaab ee lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho” Cali Dheere ayaa yiri.

Waxuu sheegay hadii Xildhibaanada Shalay badbaadaan maanta Weerarka ku soo wajahan kama baxsan doonaan Isagoona tilmaamay in Xildhibaanada ay isaga baxaan Dowladda Soomaaliya.

Al Shabaaba ayaa ugu dambeyn hore u weeraray Maxkamada Gobolka, UNDP oo Shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay lagu Dilay, kii Madaxtooyada oo lagu sigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.DSC_1353