Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

0
488

Roobab lagu diirsaday ayaa waxa ay ka da’een deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Roobabka ayaa da’ayay tan iyo xalay kuwaas oo imaanaya xilli dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanada ay ku hooreen Roobabkaasi soo qaateen xilli adag oo ka mid ah Waqtiga Jiilaalka.

Xiriiro aan la sameynay meelaha qaar ee Roobabku ay ka da’een ayaa waxa ay inoogu warrameen dadka ku nool deegaanadaasi in aad la isugu hambalyeynayay Roobabka.

Muddooyinkii dambe ayaa mar kale laga digayay abaaro iyo dhibaato Macluul ah oo ku dhufta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.DSC06333_1-150x150