Sida ay AFP Daabacdey Golaha ammaanka ayaa wal wal balaadhan ka muujiyay halka uu ku dambayn karo hubka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo iibsato.Xubnaha Golaha ammaanka oo kulan Xaruntooda ku wada qaatay ayaa sheegay in ay aad uga walaacsanyihiin Wararka dhawan soo baxay oo sheegayay in Hubka dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo gadato loo gacan galiyo Xarakada Al Shabaab arintaasina ay fududeeyaan shaqsiyaad Madaxweynaha Soomaaliya ku dhow dhow.
15 Xubnood ee Golaha Ammaanka ka koobanyahay ayaa ka dalbady Dowladda Xasan Sheekh Maxmuud in ay ka fikirto dhisida gudi isku dhaf ah oo ay ka mid yihiin khubaro Caalami ah kuwaasi oo dabagala halka Hubka dowladda uu ku danbeyo iyo qaabka loo maamulo intaba.
Gudigaan ay Golaha Ammaanka ku talinayaan in la dhiso ayaa waxaa ay shaqadiisa noqon doontaa dabagalka Hubka dowladda la siiyo iyo la socodka Xarumaha ay Hubka dowladdu ku kaydsato si looga fogaado in sidii horay loo shaaciyay uu Hubka u gacan galo dagaalyahanadda dhaq dhaqaaqa Shabaab ee dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM dagaalka kula jira ahna quwada kaliya ee dowladda Soomaaliya hortaagan.
Golaha Ammaanka ayaa horay qayb ahaan ka fududeeyay dalka Soomaaliya cunaqabatayntii Hubka ee saarnayd si dowladda taagta daran ee Soomaaliya ay fursad ugu hesho in ay soo iibsato hub ay kula dagaalanto Xarakada Shabaab uguna babac dhigi karto Ururka Shabaab ee Al-Qaacida ku xiran .
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa cunaqabataynta hubka lagu soo rogay sanadkii 1991 si loo horjoogsado hub aad u badan oo dalka ku soo qul qulayay.




