Muqdisho: Jahwareer & Cabsi ka jirta Xaafadaha Suuqa Xoolaha & SOS

0
695

Ciidamada Militariga & Nabad Sugida Dowladda Federaalka ayaa Xalay jebiyay Amar ay Kooxda Al shabaab dul-dhigtay Shacabka ku nool Xafadaha Suuqa Xoolaha & SOS ee Muqdisho.

Maamulka Degmada Heliwaa/ Huriwaa ayaa sheegay in Degmada aysan ka shaqeyn Xalay Amar ay Kooxda Al shabaab kusoo rogeen Dadka Deegaanka oo ahaa in Nalalka ku xiran Guryaha Iridkooda oo lagu iftiimiyo Wadooyinka Xilliga Habeenkii.

“Ciidamada Dowladda ayaan geynay dhamaan Xaafadaha Degmada Heliwaa, waxaana ay Shacabka ku amreen inay shidaan Leerarka ku hor-dhegen Xaafadahooda, iyadoo Amaankooda la sugayo, waana uu hergelay Amarka Dowladda Federaalka,” ayuu yiri C/xafiid Maxa’ed Xiri, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Heliwaa.

Shacabka Degmada ayaa soo wajahday Cabsi & Jahwareer ku aadan Amarada ugu kala yimid Kooxda Al shabaab & Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo Ciidamadeeda lagu daadiyay Xaafadaha Suuqa Xoolaha & SOS.

Kooxda Al shabaab ayaa Labo Habeen kahor waxa ay Warqado Digniin & Amar xambaarsan ku daadiyeen Xaafadaha Suuqa Xoolaha & SOS, iyagoo ku amray Dadka Deegaanka inay demiyaan Nalalka ay ku xirteen Albaabada Guryahooda , cidii u hogaansami weydana ay dili doonaan.

Degmooyinka Dayniile, Huriwaa & Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa ah kuwa ugu Amniga Xun Magaalada Muqdisho, oo ay Al shabaab ka taliyaan Xilliga Habeenkii ah, halka Ciidamada Dowladdana ay ka taliyaan Maalintii, taasina waxa ay keentay in Shacabka ay Dhibaato joogto ah kala kulmaan Labada dhinac.Fagax_suuqaxoolaha6-620x330