Xaflada xilwareejinta oo ka dhacday xarunta maxkamadda ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xassan Xaamud, Arrimaha gudaha, Garsoorka iyo Beeraha xildhibaanno, taliyayaasha ciidamada qalabka sida, Gudoomiyaha Gobolka, qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo martisharaf kale.
Gudomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Col. C/raxman Maxamuud Tuuryare oo madasha xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in si hufan u gudan doono xilka maanta sida rasmiga ah u la wareegay,isagoona amaanay gudoomihii hore ee Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida.
Taliyayaasha ciidamada qalabka sida oo munaasabada ka hadlay ayaa ballan qaaday iney si wanaagsan ula shaqeyndoonaan gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.
Gudoomiyihii hore ee maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka waramay marxaladihii kala duwana ee ay soo martay maxkamada mudadii uu xilka hayay iyo duruufihii ay ku shaqeynayeen xiligaas iyo guulihii la gaaray.
Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa soo martay marxalado kala duwan.




