Wasiir & Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka oo lagu xiray Nairobi

0
778

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka Saalim Caliow Ibrow & Xildhibaan Caadil Sheegow ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu xiray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya

C/fitaax Xasan Cali, oo ah Xoghayihii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa xaqiijiyay Xariga Mas’uuliyiinta, waxaana uu intaasi ku daray in Wasiirka & Xildhibaanka ay Ciidamada kale soo baxeen Hotel ay Nairobi ka degenaayeen.

Sababta ka danbeysa Xariga Wasiirka & Xildhibaan Sheegow oo aan wali la ogeyn ayaa Wararka hordhaca ah waxa ay sheegayaan in Qoyska Wasiirka Xanaanada Xoolaha Saalim Caliyow Ibrow ay si Sharci darro ah ku qaateen Baasaboorka Kenya.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa Hotelka kasoo qabtay Wasiirka & Xildhibaanka waxaana ay ku xireen Saldhig Boolis oo Sau’aalo lagu weydiinayo. Saacado kahor inta aan lasoo qaban Labada Mas’uul ayaa Ciidamada waxa ay xireen Qoyska Saalim Caliyow Ibrow oo lagu haysto in Baasaboorka dalkaasi Kenya ay ku qaateen Qaab aan Sharciga waafaqsanayn.

Waa Falkii Labaad oo Ciidamada Kenya ku xirayaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo aysan Dowladda Kenya tixgelinayn Xasaanada uu leeyahay Qof Mas’uul Qaran ah oo

Fiiro Gaar: warsom.com, si Madaxbanaan uma xaqiijin karto Warkan, balse way baareysaa
dkynyeaarrr-300x160alkeeda jooga oo la iska xiro.