Waxaa faah faahino kala duwan ay ka soo baxeysaa Weerar Duqeymo ahaa oo Diyaaradaha Militariga Dowladda Kenya ay ka geysteen sida la sheegay Saldhiga Al Shabaab, Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose.
Weerarkan lagu qaaday Saldhiga Al Shabaab ee Degmada Jilib ayaa la sheegay in lagu Dilay kuwaad 3 Ruux oo Ajaaniib ahaa oo ka soo kala jeeday Dalalka Suudaan, Sacuudi iyo Yemen inkastoo wali Kenya aysan sheegin balse shaaciyay in ay baarayaan.
Mukhtaar C.laahi Sahal “ Mukhtaar Dheere” oo ah Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Maamulka KMG ah ee Juba oo la hadlay Warbaahinta islamarkaana faah faahin ka bixiyay Weerarkii ka dhanka ahaa Saldhiga Al Shabaab ayaa waxuu ku tilmaamay mid lagu Dilay Saraakiil Ajaaniib ahaa.
Waxuu Mukhtaar Dheere shaaciyay in Weerarkaasi lagu Dilay ku dhawaad 3 Ruux oo u kala dhashay Dalalka Suudaan, Sacuudi iyo Yemen waxuuna intaa ku daray markii Duqeymaha lagu Dilayay in Sal uu u ahaa Degaanka Maanyo-Gaabo oo dhaca Duleedka Degmada Jilib.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ciidamada Difaace ee Kenya, Emmanuel Chirchir oo isna Weerarka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Diyaaradaha Dagaal Kenya ay beegsadeen labo Saldhig oo gacanta ay ku yaan Ururka Al Shabaab waxuuna xusay in ay jiraan Khasaaro kala duwan.
Emmanuel Chirchir ayaa qeexay in ay Dowladda Kenya ay wadaan Baaritaano kala duwan taa oo lagu ogaan doono qaabka Weerarka loo fuliyay iyo Shaqsiyaadka looga goollahaa.
Ugu dambeyn, Geesta kale, Al Shabaab oo ka hadlay Weerarkii Degmada Jilib ayaa tilmaamay in Weerarkaasi uusan ka soo gaarin wax Khasaaro ah balse sheegay in uu Khasaaro Hantiyadeed u geystay Beer ku taala Magaalada Jilib.





