Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Caawa Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Maleeshiyaadka Urur Diimeedka Ahlu Sunna uu ka socdo Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Sida la sheegay Dagaalkan oo ahaa mid Culus ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 3 Ruux kuwa kale oo badana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Maleeshiyaad gadoodsan oo ka tirsan Ahlu Sunna ay Isbaaro so dhigteen Degmada Matabaan.
Guddoomiyaha Ahlusunna Waljamaaca ee Degmada Matabaan Max’ud Xasan Cali, ayaa sheegay in Maleeshiiyaad gadoodsan ay Isbaaro soo dhigteen Degmada Matabaan taasi oo ku sheegay in ay ku baxeen Kooxo kale oo ka mid ah Ahlu Sunna islamarkaana uu halkaasi ka qarxay Dagaal.
Waxuu xusay Gudoomiyaha in Dagaal Culus uu Caawa ka socdo Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kaasi oo u dhaxeeya Maleeshiyaad ka wada tirsan Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.
Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Dagaalkan ka socda Caawa Magaalada Guriceel ayaa la sheegay in uu sii kordhi kara maadaama Dagaalka uu soo xoogeystay.
Ugu dambeyn, Xaaladda ayaa kacsan waxaana la soo sheegayaa in Xaafada qaar ee Magaalada Guriceel laga maqalayo hubka Culus ee la is dhaafsanayo kuwaasi oo qaarkood ku dhacayay Guryo ku yaala Degmadaasi.




