Waxaa maanta Wasiirka Arimha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre uu ka badbaaday Mooshin dhawaan ay ka soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
115 Xildhibaan ayaa Codka kalsoonida waxey siiyeen C/laahi Goodax barre, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo horjeestay 18, Iyadoona 11 ay ka aamuseyn Mooshinka Wasiir Goodax Barre.
Dhinaca kale, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya ilaa 60 Xildhibaan ayaa Maanta Mooshin ka Gudbiyey Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.
Mooshinka laga soo gudbiyey Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Guuleed ayaa la sheegay in uu ku qotomo Wax qabad la’aan iyo Amaanka Dalka oo uu ku Fashilmay.
Ugu dambeyn, Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka Gudoomay Mooshinka Xildhibanada maanta ay ka soo gudbiyeen Wasiir Guuleed.




