DEG DEG: Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Saldhiga Al Shabaab ee Jilib

0
607

Wararka laga helayo Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Weerar Duqeymo ahaa ka geysteen Saldhiga Al Shabaab ee Degmada Jilib.

Weerarkan Duqeymaha ahaa ayaa Saldhiga Al Shabaab ee Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe waxaa ka fuliyay Diyaarado Dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya.

Diyaaradaan oo dhowr mar kusoo noq-noqotay hawada Degmada Jilib, ayaa waxaa la sheegay inay halmar kaliya gantaal ku dhufatay Koontaroolka looga baxo Degmada Jilib, marka loo socdo Degmada Bu’aale.

Al-Shabaab oo ku sugan Degmada Jilib ayaa gantaal ku tuuray diyaarada,iyadoo ciidamada Shabaab ay diyaarada ku tuureen qoriga loo yaqaan 37-ka iyo Qoriga Suuga.

Sikastaba, Xaalada Degmada Jilib ayaa kacsan kadib markii Diyaarado Dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya ay Weerareen Saldhig Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Jilib waxaana wali la shaacin Khasaaraha ka dhashay.duqeyn5