Xildhibaan Cabdi-Barre Yuusuf oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu ka hadlay Musuq Maasuq la sheegay in Wasaarada Maaliyada ay geysatay.
Xildhibaan-ka ayaa sheegay in uu soo gaara Nuqul ka mid ah Waraaqo Cadeenaya in Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya uu cawil celin u sameeyay Shirkada Sonkor kala soo degta Dekada Muqdisho waxuuna sheegay in Musuq muusuq ceenkan oo kale aysan aqbali doonin.
Xildhibaan-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday in Guddiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya ay wax badan ka qaban doonaan musuq maasuqaasi la sheegay islamarkaana lala xisaabtami doono Wasiirka iyo Dadka kale ee howshan la qabtay.
Sikastaba, Hadalka Xildhibaan Cabdi-Barre Yuusuf ayaa waxuu imanayaa Iyadoo maalmihii dambe ay soo ifbaxayeen in Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya uu cawil celin u sameeyay Shirkad Sonkor kala soo dekta Dekada Magaalada Muqdisho.