Ridwaan Xaaji C.wali Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo shir jaraa’id maanta u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka xun tahay Weerar Ismiidaamin ahaa oo Shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kaasi oo sababay Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka ayaa Weerarkaasi waxuu ku tilmaamay Weerarada Al Shabaab ay ku dhibaateenayaan Shacabka Soomaaliyeed balse Shacabka iyo Dowladda aysan marba ka niyad jabi doonin sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Ridwaan Xaaji C.wali ayaa sheegay in Xukuumadda ay u gurmaneyso Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Baydhabo Shalay ka dhacay si loogu baxnaaniyo Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa intaasi waxuu ku daray in lala xisaabtami doono Kooxaha ka dambeeyay Weerarkaasi waxyeelada ka soo gaartay Shacabka sida uu hadalka.
Hadalka Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Iyadoona uu sababay Khasaro kala duwan.