Safiirka Yemen ee Somalia oo lagu qaabilay Muqdisho+SAWIRO

0
472

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Burci Maxamed Xamza ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Fu’aad Maxamed Alzorqah oo ah Siihayaha Safaaradda Yemen ee Soomaaliya , waxaana kulanka dhexmaray ay uga hadleen Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal,dib u soo nooleynta guddiga wadaagga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Yemen.

Danjire Fu’aad Maxamed Alzorqah ayaa mudadii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay ka howlgelinta dalka Soomaaliya markii ugu horeeyay diyaaradda Al-Saciida ( Felix Airways) oo isaga kala gudbi doonta Magaalooyinka Sanca,Muqdisho iyo Hargeysa , taasoo la filayo inay fududeyso isku gudbidda iyo safarada muwaadiniinta Soomaaliya iyo Yemen, sidoo kale dadka daneeya arrimaha labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falan-qeeyay iskaashi balaaran oo dhexmara labada dowladood oo ku aadan la dagaalanka argagaxisada oo dhibaatooyin ba’an u kala geystay labada shacab .

Danjire Fu’aad Maxamed Alzorqah Siihayaha Safaaradda Yemen ee Soomaaliya ayaa gudoonsiiyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Burci Maxamed Xamza dhambaal uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen. Dr. Abubaker Alqirbi oo ka hadleysa arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Dhinaca kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdalla Idiris, waxaana ay ka wada hadleen isku dubaridka, taageero wadamada Carbeed ay siiyaan Soomaaliya si looga gudbo dhibaatooyinka beni’aadanimo oo ay ka mid yihiin cuna-yari, biyo la’aan iyo baahi dawo oo ka jirta gobolada kala duwan ee dalka , si gaar ah magaalooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay kooxda nabad diidka ee Al-Shabaab.

DSC05642

Danjire Maxamed Abdalla Idiris ayaa waxa uu sheegay in Warbixin uu u diray Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo loo qeybiyay wadamada kala duwan ee carabta oo ku aadaneed baaqa Jaamacadda Carabta ee gargaaridda dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay ka soo jawaabeen dowladaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Qatar, iyadoo dowladda Imaaraadka ay bixin doonto gargaar toos ah , halka dowladaha Sacuudiga iyo Qatar ay gargaarka Soomaaliya u soo marsiin doonaan hey’adahooda gargaarka qaabilsan.

Mudane Burci Maxamed Xamza ayaa ammaan iyo bogaadin ujeediyay kaalinta Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aadan Soomaaliya iyo howlaha gargaar ee ay ku deeqayaan Soomaaliya wadamada Imaaraadka , Sacuudiga iyo Qatar.

Kulankani ayaa waxaa sidoo kale lagu faaqiday ka mira-dhalinta iyo ka faa’ideysiga Isku-imaatinka 6-aad ee carabta iyo Shiinaha oo ka furmi doona bisha June Magaalada Beijing ee Caasimadda dalka China oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga lagu casuumay kaqeybgalkiisa, iyadoo fiira gaar ah la siinayo xiriirka xoogan ee u dhaxeeya dunida carbeed iyo dowladda ChinaDSC05642