Howlgallo ka socda Muqdisho

0
463

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Sakaay waxey howgallo ka wadaan Xaafado ku teedsan wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho Iyadoona Baaritaanada lagu qab qabanayo Dhalinayro qaarkood loo tuhmay Al Shabaab.

Arday magaciisa diiday oo howlgalka lagu qabtay islamarkaana la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in howlgallada ay ka socdaan Wadada Warshadaa waxuuna tilmaamay in Isaga iyo dhalinayaro kala oo badan la qabtay Iyagoo ku soo jeeda Jaamacada Muqdisho “Mogadishu University”

Waxuu sidoo kale xusay in Howlgallada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameenayaan Xaafadaha Xero-Jarmalka iyo Towfiiq, Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan fulinaya howlgallada ayaa la sheegaya in ay u badan yihiin kuwa Nabad Ilaalada ee Midowga Afrika ee AMISOM Iyadoona Saraakiisha Dowladda ay sheegeen in howlgalladan lagu sugayo amaanka.

Ugu dambeyn, Howlgalladan dhanka amaanka ah ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo Xalay Al Shabaab ay Dagaalku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.