Xildhibaano Siminaar loogu furay Adds Ababa+SAWIRO

0
524

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalk Ethiopia uga furay siminaar ku saabsan hormarinta doorka Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan hogaaminta siyaasadda dalka Haweenka XIldhibaannada ah ee ku jira Baarlamaanka.

Munaasabad lagu furayey siminaarkan oo lagu qabtay Hotelka Dreamliner ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa goobjoog ka aheyd Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Soomaaliya Marwo Muno Ibraahin Abiikar,XIldhibaannada Haweenka ah ee ka qeybgalaya siminaarkan, mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adda UN WOMEN oo siminaarkan soo qaban qaabisay.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka Siminaarkan ayaa ugu horeyn u mahad celiyey hay’adda UN WOMEN oo siminaarkan soo qaban qaabisay waxaana uu xusay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu u furo Haweenka XIldhibaannada ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya siminaar ku saabsan doorka hogaaminta siyaasadeed ee Haweenka.

Siminaarkan oo socon doona mudo Lix cisho ah ayaa waxaa casharro ka bixinaya macalimiin quburro ah oo qaarkood horey u ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada dalalka Afrika qaarkood waxaana mudadaasi lixda cisho ah ay xubnaha ka qeybgalaya ee XIldhibaannadu soo bandhigi doonaan tallooyinkooda la xiriira hormarinta doorka hogaaminta Haweenka ee siyaasadda Dalka.

IMG_63092 IMG_63102 IMG_63152 IMG_63182 IMG_63252 IMG_63292 IMG_63302 IMG_63312 IMG_63332IMG_63102