Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ee Dowladda Soomaaliya ay ku toogteen Dagaal yahan ka tirsanaa Al Shabaab Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Goobjooge magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in Ciidamada ay ka warheleen in Degmada uu Al Shabaab ku dhuumaaleesanayo waxuuna sidoo kale tilmaamay in la Dilay markii uu diiday in uu isa soo dhiibo.
Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Maamulka Degmada Waajid ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Dilka Ninka ka tirsanaaa Al Shabaab uu jiro balse ay dib faah faahin kooban uga bixin doonaan.
Dhinaca kale, howlgallo laga sameeyey Tuulo lagu magacaabo Farascaano oo ka tirsan Gobolka Bakool waxaa Ciidamada amaanka ee Dowladda Soomaaliya ay ku qabteen ku dhawaad 7 Dagaal yahan ka tirsan Al Shabab sida Col Timacade uu sheegay.
Ugu dambeyn, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxaa ka socda Howlgallo ballaaran oo lagu baacsanayo Ururka Al Shabaab iyadoona howlgalladii ugu dambeeyay Khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab.




